Waxaa maalintii labaad ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Baydhabo Nabadoon Isaaq Widaadow, kaddib markii ay xireen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Nabadoonka ayaa la sheegay in xariggiisu yimid kaddib markii uu si fagaare ah uga hadlay eex iyo horumar la’aan uu ku eedeeyay inay ka jirto deegaankiisa Gofgaduud Buurey. Wuxuu si gaar ah eedeyn ugu jeediyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Cabdulllaahi Cali Watiin, isagoo ku tilmaamay inuu si gaar ah u kala eexdo deegaannada hoos yimaada degmada.
Ilo ku dhow dhow qoyska nabadoonka ayaa sheegay in aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta sharci ee loo cuskaday xariggiisa, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladdiisa.
Xarigga Nabadoon Isaaq Widaadow ayaa dhaliyay falcelin ballaaran oo ka timid bulshada deegaanka, iyadoo dad badan oo ku sugan Gofgaduud Buurey iyo hareeraheeda ay ku baaqeen in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo. Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dhalinyarada ayaa ku tilmaamay tallaabada mid caburin ah oo ka dhan ah xorriyadda hadalka.
Dadka dhaliilsan maamulka ayaa ku eedeeyay Maamulka Koonfur Galbeed inuu adeegsado xarig iyo cadaadis ka dhan ah cid kasta oo si cad u muujisa aragti ka duwan tan mas’uuliyiinta, inkastoo maamulka uusan weli ka hadlin eedeymahaas.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ama madaxda sare ee maamulka oo ku saabsan xarigga nabadoonka iyo eedeymaha loo jeediyay.






