Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa toddobaadka soo socda qorsheynaya inuu safar hal maalin ah ku tago dalka Itoobiya, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xukuumadda Israa’iil oo la hadlay wargeyska The Times of Israel.
Wararka ayaa sheegaya in Herzog uu la kulmi doono hoggaanka ugu sarreeya ee Itoobiya, iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay dadaallada Israa’iil ay ku xoojinayso isla markaana ku ballaarinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada qaaradda Afrika.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Turkiga uu isna 17-kii Febraayo safar shaqo oo hal maalin ah ku tegay magaalada Addis Ababa, taasoo muujinaysa tartanka diblomaasiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.
Safarka Herzog ayaa la filayaa inuu diiradda saaro iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.






