Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-gali doono shirka Midowga Afrika, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta shir lagu balansanaa in lagu dhexdhexaadiyo dowladda iyo mucaaradka.

Shirkan oo la filayay in uu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mucaaradka, waxaana lagu waday in lagu gorfeeyo arrimo la xiriira hanaanka doorashooyinka, amniga, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay wehliyaan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, si ay uga qaybgalaan shirka.

Wararka uu helayo Banaadir24 ayaa sheegaya in wakiillada Beesha Caalamka ay cadaadis xooggan saarayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, si aan shirka dib loogu dhigin ama loo baajin.

Sidoo kale, warar kale ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in shirka uu dib u dhaco muddo hal toddobaad ah, maadaama weli aan heshiis laga gaarin goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo indhaha lagu hayo go’aamada ka soo bixi doona labada dhinac iyo doorka ay qaadan doonaan saaxiibada caalamiga ah.