Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u dhaliilay duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in duqeymaha Cirka re Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya aanan lagala tashan dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah.
Ismaaciil Cumar Geelle, oo wareysi siiyay wargeyska caanka ah ee Jeune Afrique oo la filayo in la daabaco bisha Maarso ayuu Mareykanka si weyn ugu dhaliilay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya oo uu sheegay inay wiiqayaan dagaalka ka dhanka AlShabaab isagoo tilmaamay in Mareykanku uu duqeymaha fuliyo isagoo ku tiirsan xog sirdoon oo khaldan.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa tilmaamay in Mareykanka intii uu kala tashan lahaa dowladaha gobolka ee xog ogaalka u ah xaaladda uu adeegsado dad xogaha u keeno oo uu lacag siiyo.
Waxa uu sheegay inaysan faa’iido lahayn Haddii Mareykanku duqeymaha uusan kala tashan dowladaha gobolka sida Soomaaliya iyo Jabuuti ee ay khuseyso.






