Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day amni darro lagu carqaladeynayay xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay mid kamid ah masaajidda magaalada Baydhabo kadib salaadda Jimcaha, ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay ka hortageen falal uu ku tilmaamay “kuwo lagu doonayay in lagu qalqal geliyo amniga,” isagoo xusay in ay gacanta ku dhigeen xubno uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhacdadaas.
Laftagareen ayaa ku eedeeyay xubno katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kooxo ku sugan magaalada Muqdisho inay ku lug leeyihiin dagaalkaas, inkastoo uusan magacaabin cid gaar ah. Wuxuu adkeeyay in aan la aqbali doonin wax hub ah oo ka madax-bannaan kan rasmiga ah ee hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed.
“Ma aqbali doonno in Baydhabo laga abuuro hub sharci darro ah ama kooxo ka shaqeeya qalalaase. Qofkii siyaasad doonaya, albaabku wuu u furan yahay, balse hub lagu raadinayo dan siyaasadeed ma aqbaleyno,” ayuu yiri madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga gobolka si adag looga hortagi doono, isaga oo ku baaqay in arrimaha siyaasadda lagu wajaho wadahadal iyo hab sharci ah.
Dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Laftagareen ayaa bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo midnimada, kana fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga guud ee gobolka.






