Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Deni ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu Waxba Kama jiraan kasoo qaado tallooyinka ay siiyaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu hadal kasta iyo talo kasta dhageysto balse uusan waxba kasoo qaadan.

“Xasan waan ka yaabay si aan ula macaamilno ma leh waa iska qoslayaa, waxaan qabaa aan doorasho qabanno, Madaxweyne Xasan albaabkiisu waa furan yahay hadalkasta waa dhegeysanayaa balse ma qaadanayo talooyinka loo soo gudbiyo”, ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii soo jeediyay in loo baahanyahay in la qaato go’aan lagu qabanayo doorasho laguna soo saarayo madaxweyne u wanaagsan dalka oo dhaaama madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa nasiib darro ah barlamaan laba bilood u hartay oo dastuurkii dalka oo dhan beddeleaya, Go’aan aan qaadanno oo doorasho qabanno oo Xasan oo kelena yaanu innagu soo bixin”, Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.