Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu la xiriiray qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka, kaddib markii wadahadalladii uu shalay la heeshay ay natiijo la’aan ku dhammaadeen.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dhinacyada wada hadlaya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu mucaaradka ka codsaday inay sugaan illaa maanta gelinka hore, isla markaana aysan soo saarin wax warsaxaafadeed ah, si fursad loogu siiyo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka taagan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu wado dadaallo dheeraad ah oo lagu badbaadinayo wadahadallada, iyadoo laga yaabo inuu qaato go’aan kale haddii aan horumar laga sameyn arrimaha la isku hayo.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka, oo qorsheynayay inay xalay soo saaraan warsaxaafadeed ku saabsan in shirkii ka socday Villa Soomaaliya uu burburay, isla markaana wax natiijo ah laga gaari waayay, ayaa la sheegay inay hakad geliyeen bayaankooda. Tallaabadan ayaa timid kaddib codsiga Madaxweynaha, iyaga oo hadda ka war sugaya jawaab iyo tallaabo rasmi ah oo ka timaadda Madaxtooyada.
Wadahadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaaf siyaasadeed oo maalmahanba ka taagnaa arrimo la xiriira geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay caddaato jihada ay qaadi doonaan wada-hadallada, iyadoo indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jeedaan natiijada kasoo baxda kulamadan.






