Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas u tagey inay ka qeybgalaan daah-furka mashaariic horumarineed.

Labada hoggaamiye waxaa loo sameeyay soo dhaweyn diirran oo maamuus leh, taasoo ka tarjumaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee dhow ee ka dhexeeya saddexda dal ee dariska ah.

Booqashadan ayaa muujinaysa wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimo wadajir ah sida nabadda, amniga, isdhexgalka dhaqaale iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika.