Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta u safray dalka Ethiopia, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa.
Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan wadamada Geeska Afrika, iyo ka qeyb qaadashada arrimaha amniga, horumarka iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
Shirka Midowga Afrika oo ay ka soo qeyb galayaan madax iyo wakiillo ka kala socda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, la dagaallanka argagixisada, isdhexgalka dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga dowladaha Afrika.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xilli ay gudaha dalka ka taagan yihiin dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo Madasha Mucaaradka iyo sidoo kale madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay sugayaan inay shir la yeeshaan Dowladda Federaalka. Kulankaasi la filayo ayaa la sheegay inuu la xiriiri doono arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda.
Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweynaha uu marka uu ka soo laabto shirka Midowga Afrika uu sii wadi doono wadatashiyada siyaasadeed ee gudaha dalka, si loo xoojiyo midnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.
Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka Madaxweynaha iyo shirka Addis Ababa, kala soco wararkeena dambe.






