Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay cunaqabateyn lagu soo rogay saddex taliye oo ka tirsan maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF), iyada oo lagu eedeeyay doorkooda go’doomintii 18-ka bilood socotay iyo qabsashadii magaalada Al-fashir, halkaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka geysteen dilal ballaaran oo nidaamsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa RSF ku eedeeyay inay fulisay “olole argagax leh oo ku saleysan dilal qowmiyadeed, jirdil, gaajo lagu khasbay, iyo tacaddiyo galmo” intii lagu guda jiray go’doominta iyo qabsashada Al-Fashir.

Al-Fashir oo ah caasimadda gobolka Darfur ayaa gacanta u gashay RSF bishii Oktoobar 2025, kadib go’doomin dheer oo sababtay dilal tiro badan iyo macluul baahsan. Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in markii magaalada la qabsaday kadib, dagaalyahannada RSF ay sii xoojiyeen dilalka nidaamsan, xarigga ballaaran iyo tacaddiyada galmada, iyadoo aan la kala saarin rayid iyo cid kale.

Sidoo kale, warbixintu waxay RSF ku eedeysay inay wadeen olole lagu baabi’inayo caddeymaha xasuuqyada, iyagoo la sheegay inay aaseen, gubeen ama si kale u tirtireen tobannaan kun oo mayd ah.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ka barakaceen Al-Fashir tan iyo dabayaaqadii Oktoobar, kadib markii RSF ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada, taas oo 18 bilood oo go’doomin ah ku ridday xaalad macluul daran.

Dad ka badbaaday rabshadaha ayaa soo sheegay dilal wadareed loo geystay qowmiyad iyo xarig ballaaran oo dhacay intii lagu jiray iyo kadib la wareegiddii magaalada. Dad badan ayaana weli la la’yahay, gaar ahaan Al-Fashir iyo nawaaxigeeda.

“Dowladda Mareykanku waxay ugu baaqaysaa RSF inay si degdeg ah u oggolaadaan xabbad-joojin bani’aadamnimo. Ma aqbali doonno ololahan argagixiso iyo dilalka micno darrada ah ee ka socda Sudan,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent, sida lagu sheegay bayaanka.

Shakhsiyaadka cunaqabateynta lagu soo rogay waxaa ka mid ah jeneral ka tirsan RSF oo Wasaaradda Maaliyaddu sheegtay inuu is duubay isagoo dilaya dad rayid ah oo aan hubeysneyn, iyo sidoo kale sarreeye guuto kale iyo taliye goobeed ka tirsan RSF.