Dowladda Mareykanka ayaa dib u bilawday kaalmada ay siiso Soomaaliya, kadib muddo kooban oo ay joojisay taageerada kadib markii ay soo ifbaxeen warar iyo muran ku saabsan dhac iyo burbur lagu sameeyay bakhaar ay leedahay World Food Programme (WFP) ee ku yaallay Dekadda Muqdisho.
7-di Janaayo 2026, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in ay si ku meel gaar ah u joojisay dhammaan kaalmada mareykanka ee ku dhaceysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Sababta ugu weyn ee tallaabadan ayaa ahayd warar kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu eedeeyay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay maalgelisay WFP, isla markaana ay si sharci darro ah u qaateen qiyaastii 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay dadka danyar ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa ku tilmaamay in tallaabadan ay ahayd mid ka dhan ah siyaasaddiisa ah “ina aan la aqbali karin tuugo, lunsasho iyo qalloocinta kaalmooyinka bini’aadminimo,” iyadoo la sheegay in taageerada dib loo bilaabi doono marka Soomaaliya ay muujiso isla xisaabtan iyo tilaabooyin sax ah oo wax looga qabanayo dhacdada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 26-kii Janaayo 2026 si rasmi ah u qiratay mas’uuliyadda dhacdada bakhaarka, iyadoo war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga lagu xaqiijiyay in dhammaan raashiinka laga qaaday bakhaarka lagu soo celiyay WFP, si buuxda. Dowladdu waxay sheegtay in arrinta ay aheyd “ mid nasiib darro ah” oo aan loo baahnayn inay dhacdo
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa WFP siisay bakhaar ka weyn midkii hore oo ku yaalla gudaha Dekadda Muqdisho si loo xaqiijiyo in raashin iyo kaalmooyin humanitari ah ay si ammaan ah u soo gaaraan dadka u baahan. Waxaana arrintan loo arkay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida beesha caalamka.
Tallaabadan iyo soo celinta raashiinka ayaa horseeday in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka uu xalliyo khilaafkii ku yimid bilowgii sannadka. Warar ay soo bandhigeen ilo dowladeed iyo warbaahineed ayaa tilmaamay in labada dowladood ay bilowdeen wadahadallo lagu soo celinayo taageerada la hakiyay, iyadoo loo arko in tani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada bini’aadminimo, ammaanka, iyo horumarinta.
Joojintii Mareykanka ee Kaalmada uu siin jiray Shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac ku abuuray hay’adaha samafalka iyo bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa raashin iyo kaalmooyin kale oo bani’aadminimo. Somalia waa dal ay saameeyeen abaaro dheer, colaado, iyo baahiyo dhaqaale oo ba’an, waxaana malaayiin qof ay u baahan yihiin kaalmada bini’aadminimo si ay u daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah.






