Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan dadaallada wada-hadalka iyo is-afgaradka, iyadoo ku tilmaantay in inkastoo ay adag yihiin, haddana ay yihiin kuwo lama huraan u ah horumarka dalka.
Qoraal ay safaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan uu door muhiim ah ka qaadanayo la-dagaallanka argagixisada, xoojinta dowladnimada, iyo horumarinta danaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Safaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in wada-hadal iyo tanaasul ay yihiin tiirarka lagu dhisi karo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo sare u qaadi kara xasilloonida iyo wada shaqeynta gudaha dalka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay caqabado siyaasadeed iyo amni, iyadoo beesha caalamka ay marar badan ku celcelisay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada shaqeynta hoggaanka dalka si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.







