Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo suurtagalnimada weerar milatari oo xaddidan oo ka dhan ah dalka Iran, xilli ciidamada Mareykanka ay kordhinayaan joogitaankooda gobolka.
“Waxaan qiyaasayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa arrintaas,” ayuu Trump ku sheegay jimcihii, markii suxufi weydiiyay haddii uu ka fikirayo weerar milatari oo xaddidan oo lagu qaado Iran. Saxaafadda ayaan fursad u helin inay maqlaan inta ka hartay jawaabta madaxweynaha, kaddib markii wariyeyaasha laga saaray qolka uu kula kulmayay guddoomiyeyaasha gobollada dalka.
Sida ay werisay CBS news khamiistii, Trump weli ma uusan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan in la qaado weerar, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada socda. Saraakiisha sare ee amniga qaranka ayaa madaxweynaha u sheegay in milatarigu diyaar u yahay inuu fuliyo weerarro suuragal ah laga bilaabo sabtida, balse jadwalka tallaabo kasta oo la qaado ay u badan tahay inuu ka dheeraado toddobaadkan, sida ay ilo-wareedyadu tilmaameen.
Toddobaadkan, Trump ayaa sheegay in Iran ay haysato wax aan ka badnayn 10 ilaa 15 maalmood si ay heshiis uga gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo uga digay in “waxyaabo xun” ay dhici doonaan haddii aysan taas sameyn.
“Hadda waa waqtigii Iran ay nagu soo biiri lahayd si aan u dhammeystirno waxa aan sameyneyno,” ayuu Trump ka sheegay khamiistii kulan furitaan ah oo uu la yeeshay Guddigiisa Nabadda, kaas oo sidoo kale diiradda lagu saarayay amniga Qaza. “Haddii ay nagu soo biiraan, waa arrin wanaagsan. Haddii aysan nagu soo biirin, taasna waa hagaag. Laakiin waxay noqon doontaa waddo aad uga duwan. Ma sii wadi karaan inay khatar ku noqdaan xasilloonida guud ee gobolka, waana inay heshiis sameeyaan. Haddii taas dhici weydo, waan fahmi karaa haddii aysan dhicin. Laakiin waxyaabo xun ayaa dhici doona.”.






