Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa hadalladan ka jeediyay kulan uu magaalada Qaahira kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in Masar ay mudnaan gaar ah siinayso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinaca caafimaadka, isagoo xusay qorshe lagu diri doono Soomaaliya wafdi caafimaad oo Masri ah, kaas oo dabooli doona takhasusyo kala duwan.

Sidoo kale, Madaxweyne Al-Sisi ayaa iftiimiyay iskaashiga dhinaca tababarrada iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha, iyada oo loo marayo barnaamijyada horumarineed ee Masar.

Madaxweynaha Masar ayaa intaas ku daray in wada-hadallada ay ka mid ahayd ka-qaybgalka soo socda ee Masar ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo tilmaamay in Qaahira ay waddo geeddi-socodka dirista ciidamadeeda si ay uga taageeraan amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhanka amniga badda, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay si gaar ah u saaran tahay dalalka ku teedsan, isagoo xusay doorka gaarka ah ee Masar iyo Soomaaliya, maadaama ay ku yaallaan iridda waqooyi iyo tan koonfureed ee Badda Cas.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay sii ahaan doonto saaxiib iyo taageere daacad ah oo garab taagan Soomaaliya, isagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Booqashadan ayaa imaneysa xilli uu sii xoogeysanayo iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho, oo ay ka mid tahay ka-qaybgalka Masar ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Labada Madaxweyne ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay horraantii bishii Luulyo magaalada Alamein, halkaas oo ay ku yeesheen wada-hadallo albaabadu u xirnaayeen, kadibna ay ku xigeen kulammo ballaaran oo ay ka qeybgaleen wafdiyo ka kala socday labada dal. Doodaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, is-waafajinta siyaasadeed iyo iskaashiga dhaqaale.

Kulankaas ayaa daba socday shir horay uga dhacay Qaahira, kaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen bayaan siyaasadeed oo wadajir ah, iyaga oo xiriirkooda u dallacsiiyay heer iskaashi istiraatiiji ah, ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale xoojinta wadatashiga ku aaddan xasilloonida gobolka.