Shirkii Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u soo idlaaday, iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay ay isla garteen in mar kale lagu laabto xarunta Villa Soomaaliya si loo sii ambaqaado wadahadallada.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo shirka ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay isku raaceen in la sii wado wada xaajoodka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin qodobada laga heshiiyay, gaar ahaan kuwa quseeya habka doorashada dalka iyo hannaanka lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa si cad u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inay jirto khilaaf u dhexeeya xubnaha. Waxay ku adkeysteen in wada shaqeynta iyo wadatashigu ay si caadi ah u socdaan, isla markaana aanay jirin wax is-afgaranwaa ah oo carqaladeyn kara geeddi-socodka wadahadallada.

Kulanka xiga ayaa la filayaa in si gaar ah diiradda loogu saaro qodobada weli la isku hayo, iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, si loo xaqiijiyo in la gaaro doorasho waqtiyeysan oo ku dhacda hannaan la isla oggol yahay.

Golaha Mustaqbalka ayaa door muhiim ah ku leh dejinta jiheynta siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in go’aannada kasoo baxa kulamada soo socda ay saameyn toos ah ku yeeshaan mustaqbalka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.