Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Mafaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxda Golaha Mustaqbalka ka dalbaday in ay yimaaddaan Madaxtootada Qaranka inta lagu guda-jirey kulanka qadada, si ay halkaasi uga sii socdaan wada-hallada siyaasadeed ee DFS & Mucaaridka.
“Madaxtootada cidna idin kama leh, berri baa xukumi kartaan.” Ayuu raaciyey hadalkiisa Md.Xasan, sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiinta goobjoogga ah dhinaca mucaaridka ayaa hadalkooda ku koobay; ka-mahadcelin hadhimo-sharafeedka & soodhoweynta iyaga oo aan ka hadal tegista Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan, Madaxweyne Deni & Madaxweyne Madoobe ayaa weli ku jira kulan-gaar ah hotel Decale, iyada oo uu isaga baxay kulankaasi Madaxweyne hore Shariif oo ka qayb-galay, sida ay ilo ka tirsan DFS tilmaameen.
Madaxweyne Xasan ayaa ku adkaynaya Madaxda Puntland & Jubbaland imaanshaha Vilal-Somalia si wada-hadallada ay noqdaan kuwo guuleysta.






