Waxaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur iyo Cabduqaadir Cosoble Cali.

Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee cakiran, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashada iyo qaabka ay u dhici karto. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinteennu ayaa sheegaya in siyaasiyiinta kulanka ka qeybgalay ay Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu dabac ka muujiyo qodobada muranka ka taagan yahay, si loo helo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Dhinacyada ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la helo isfaham siyaasadeed oo horseeda xasillooni iyo wada-shaqeyn. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulanka ka muujiyay rajo ku aaddan in la abuuri karo jawi is-afgarad oo xal waara laga gaaro arrimaha taagan.

Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto kulan kale oo sii ambaqaada wada-hadallada, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo mideeya aragtiyada kala duwan.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan dooddo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka dhow.