Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii wadahadalka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo lagu waday in lagu qabto Teendhada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka muujiyay diidmo ku aaddan in shirka lagu qabto halkaas.
Wararka laga helayo ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu aaminsan yahay in Teendhada Xalane aysan ahayn goob ku habboon oo muujinaysa madaxbannaanida dowladda, maadaama ay tahay xarun ay si weyn u maamulaan hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo saaxiibada amniga.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayo in shirka lagu qabto goob ku taalla gudaha caasimadda oo hoos timaadda Dowladda Federaalka, sida Villa Soomaaliya ama xarun kale oo rasmi ah. Ujeeddadu waa in wadahadalka u ekaado mid Soomaaliyeed oo aan saameyn shisheeye ku jirin.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhankooda doonaya in shirka lagu qabto Goob amaan ah oo ah xendaabka Xalane si lamid ah shirkii sanadkii 2022 dhexmaray dowladdii Farmaajo iyo mucaaradka.
Maalinta Berito oo Isniin oo Muqdisho ay tegi doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayay u badan tahay in uu qabsoomo shirka ama Talaada, sida wararka aan uga helnay Magaalada Muqdisho.






