Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu aad u sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar.

Madaxweyne Xasan Shsskh ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadaladooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo wadajir shir jaraa’id u qabanaya.

Wararka Banaadir24 uu helayo ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wada gaari doonaan heshiis amni, iyaga oo Warbaahinta la hadli doona.