Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in ajandaha wada-hadallada uu salka ku hayay dardaaran siyaasadeed iyo qaban-qaabada shirka muhiimka ah ee 10-ka April ka furmaya magaalada Garoowe.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Deni iyo Sheekh Shariif ay u kala safri doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Garoowe maalmaha soo socda, si loo sii ambaqaado wada-tashiyada iyo diyaar-garowga shirka la filayo inuu door muuqda ku yeesho jihada siyaasadeed ee dalka.

Kulamadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sare u kacayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Indhaha siyaasadda ayaa si gaar ah ugu jeeda wada-tashiyadan, iyadoo la saadaalinayo in ay saameyn ku yeelan karaan isbeddellada iyo go’aannada soo socda.