Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo bayaan rasmi ah ku muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dalal dhowr ah oo Carbeed, balse aan ku darin Imaaraadka Carabta.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay si adag u diiddan tahay “weerarradii iyo duqeymihii dhawaan ay Iiraan ku beegsatay dalal walaalo Carbeed ah,” kuwaas oo lagu tilmaamay xadgudub cad oo halis ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo karaamada dowladahaasi.
Soomaaliya ayaa caddeysay in ay “garab istaag buuxa” la leedahay Boqortooyada Sacuudiga, Dowladda Qatar, Dowladda Kuwait, Boqortooyada Urdun, Boqortooyada Baxreyn iyo Saldanadda Cumaan, iyadoo taageertay dhammaan tallaabooyinka sharciyeysan ee ay dalalkaasi u qaadaan difaaca naftooda, ilaalinta amniga muwaadiniintooda iyo dhowrista midnimada dhuleed ee dalalkooda.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo hore u xumaa
Xiriirka diblomaasiyadeed iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid kacsan. Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baajisay heshiisyo la xiriira iskaashiga difaaca, amniga iyo dekedaha oo ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay Abu Dhabi inay faragelin ku hayso madaxbannaanideeda iyo go’aannadeeda siyaasadeed.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Israa’iil aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan. Soomaaliya ayaa tallaabadaas uga jawaabtay inay ka baxdo dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, oo ay ku jiraan mashaariic waaweyn oo dekedaha Berbera iyo Boosaaso la xiriira, kuwaas oo aan weli dhaqan gelin.
Bishii Janaayo 2026, Soomaaliya ayaa si rasmi ah u laashay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku sababeeysay falal ay ku tilmaantay xadgudubyo culus oo ka dhan ah madaxbannaanideeda, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeysay inuu fududeeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay mid si toos ah u wiiqaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






