Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Senator Maxamed Cismaan Majiino, oo laba maalin ka hor Garowe u raacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isla markaana uu hadda ku sugan yahay Villa Soomaaliya, halkaas oo uu shir kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Senator Majiino uu ka soo ambabaxay Garowe isaga oo gaari raacay, kadibna tegay Gaalkacyo, halkaasna uu diyaarad uga soo duulay kuna soo gaaray Muqdisho si nabad ah.
Imaatinka Senator Majiino ee Villa Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd kooram buuxa oo ay yeeshaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
Dowladda ayaa dooneysa in maalinta Arbacada ah Baarlamaanka Labada Aqal ay ansixiyaan 15 qodob oo wax ka beddel lagu sameeyay Dastuurka KMG ah.
Villa Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay dadaal dheeri ah ku bixinayso hubinta joogitaanka Xildhibaannada si loo xaqiijiyo tirada sharciyeyneysa codbixinta qodobadaasi, kuwaas oo dood badan dhaliyay.






