Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM kaddib markii ay xoreeyeen deegaannada Daarusalaam iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan wadajirka ah, oo lala fuliyay saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu soo afjaray qabashada iyo sugidda laba goobood oo istaraatiiji ah kuwaas oo muddo dheer u ahaa saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Danjire Diene ayaa bogaadiyay geesinimada, xirfadda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM intii uu socday howlgalku. Wuxuu xusay in guushan ay muujinayso awoodda sii kordheysa ee ciidamada amniga Soomaaliya iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, ayaa lagu fuliyay qorshe mideysan oo lagu doonayo in lagu burburiyo saldhigyada Al-Shabaab, lagu gooyo marinada ay u adeegsadaan falalka amni-darrada, laguna xoojiyo amniga shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Wakiilka Gaarka ah ayaa sidoo kale adkeeyay in AUSSOM ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasilooni iyo in dowladnimada lagu fidiyo dhammaan dalka.

Ugu dambeyn, AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro haraadiga kooxaha nabad-diidka ah, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.