Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii nin qurbejoog ahaa oo ka yimid dalka Ingiriiska, si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.
Zakariye Maxamud Maxamed oo ah marxuumka la dilay ayaa ahaa 50 sano jir waxayna wararku sheegayaan in loo dilay si ka baxsan bini aadanimada.
Marxuumka ayaa markii la dilay kadib la jarjaray meeydkiisa iyadoona la gubay.
Khaalid Maxamuud Maxamed oo walaal la ah marxuumka waxay uu sheegay in sida loo dilay walaalkiisa ay ka baxsantahay bini aadanimada wuxuuna sheegay in falkaan uu arbacadii ka dhacay degmada Warta Nabadda.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan aragnay walaalkey oo jarjaran lugihiisa, gacantiisa wixi dhan ay ka jaran yihiin oo isku danbas beelay”.
Khaalid ayaa sidoo kale tilmaamay in falkan loo soo xiray ilaa 5 qof oo marxuumka daganaa guriga lagu dilay, uuna ku jiro wakiilka guriga iyo dhalinyaro kale oo ka timid dalka Ingiriiska, kuwaas oo haatan tuhmanayaal ah, kuna xiran xarunta C.I.D-da.
“Meesha lagu dilay waxaa waayey Wardhiigley, gaar ahaan laamiga Jeneraal Daa’uud oo uu daganaaa walaalkey, guriga waxaa daganaa 5 qof oo hadda xiran” ayuu mar kale yiri.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kahor inta aan la dilin walaalkiis loo soo diray lacag, ayna tuhmayaan in dilkiisa uu la xiriiri karo lacagtaas, sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ku gacan siiyaan cadaaladda, si maxkamad loo horgeedo dambiilayaashii ka dambeeyay falka ‘lagu dilay, laguna gubay’ walaalkiis.
“Waxaan rajeynayaa inaan helno cadaalad oo aan ka dooneyno Soomaali iyo Dowladda Federaalka, waxaan waa wax iska cad waa qof la dilay, la jarjaray, kadib la gubay”. ayuu kusii daray.






