Waxaa weli muran adag ka taagan yahay goobta lagu qabanayo shirka u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo ay kala aragti duwan yihiin labada dhinac.

Madaxda dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Golaha Mustaqbalka ay doonayaan in lagu qabto Aagga Xalane, taas oo keentay hakad iyo isfaham la’aan siyaasadeed.

Xalay, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan aad u culus oo ay yeesheen Golaha Mystaqbalka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo xildhibaanada mucaaradka, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka taagan.

Kulanka ayaa lagu sheegay in digniino adag loo diray Madaxtooyada waqtigeedu sii dhammaanayo, iyadoo si cad looga digay mudo-kororsi sharci-darro ah, isla markaana lagu adkeeyay in laga fogaado wax-ka-beddel dastuur oo lagu wado dano gaar ah.

Madaxda iyo xildhibaanada mucaaradka ayaa isku raacay in xasiloonida dalka, midnimada ummadda iyo sharciyadda dowladnimo aysan mar dambe u dulqaadan karin go’aamo hal dhinac ah.

Sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan kulamadooda, iyada oo la xaqiijiyay in uu ku soo biiri doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, si loo xoojiyo dadaallada xal u helidda khilaafka siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan wada-hadal iyo isfaham dhab ah si looga gudbo caqabadaha taagan.