Musharrax madaxweyne Soomaaliyeed, Naasir Cige, oo muddo ka badan toban maalmood ku xirnaa dalka Kenya kaddib eedeymo la xiriiray haysashada baasaboorrro kala duwan, ayaa laga sii daayay maxkamadda Kahawa Law Courts ee Kenya.
Naasir Cige, oo hore ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la xiray 11-kii Febraayo markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), isaga oo ka yimid dalka Australia.
Cige ayaa la hayay inta lagu guda jiray xaqiijinta dukumentiyadiisa safarka, kaddib markii ay soo baxeen tuhunno la xiriiray baasaboorradiisa.
Garsooraha maxkamadda Kahawa, Gideon Kiage, ayaa amray sii deyntiisa kaddib markii safaaradaha New Zealand iyo Australia ay xaqiijiyeen in baasaboorrada la sheegay ay ahaayeen kuwo sax ah oo sharciyeysan.
Sidoo kale, safaaradda Soomaaliya ayaa la filayaa inay caddeyso xaaladda baasaboorka diblomaasiyadeed ee Cige.
Qareenka difaacaya Cige, Alex Kubo, ayaa sheegay in macmiilkiisu yahay “nin gebi ahaanba daahir ah,” isagoo ku dooday in eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwo aan sal lahayn.
Sida ay sheegtay hay’adda Booliska Kenya, Naasir Cige oo 37 jir ah, isla markaana haysta dhalasho laba-geesood ah oo Soomaaliya iyo Australia ah, ayaa lagu qabtay Terminal 1A kaddib markii uu ku yimid diyaarad ay leedahay Kenya Airways, taasoo ka soo qaaday magaalada Johannesburg.
Markii hore waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliska ee ku yaalla garoonka JKIA, ka hor inta aan loo gudbin Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) si loo sii wado baaritaanno dheeraad ah.
Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 16-ka May 2026 Iyadoo Naasir Cige lagu wado inuu ka qeyb galo.






