Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Hawasa ee gobalka Sidama, dalka Itoobiya, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa dilkooda.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay u joogeen magaalada Hawasa arrimo caafimaad, balse habeennimadii xalay ayaa wadada loo galay, halkaas oo lagu dilay si arxan darro ah.

Sida ay sheegeen Soomaalida ku sugan magaalada Hawasa, labada qof ee la dilay midkood wuxuu ahaa oday, halka midka kalena ay ahayd haweeney.

Wararku waxay intaas ku darayaan in loo adeegsaday tooreey kaddib markii ay casho ka doonteen maqaaxi ku taalla magaalada, balse dilka uu dhacay wax yar kaddib markii ay ka baxeen goobtaas.

Koox hubaysan ayaa la sheegay inay falkaas geysatay, kuwaas oo si degdeg ah uga baxsaday goobta, halka Booliiska Itoobiya ay billaabeen baaritaanno iyo baadi-goob lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay falka.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Booliiska ama maamulka gobalka Sidama oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdadan iyo sababta ka dambeysa dilka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo murugo ku abuurtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hawasa ee dalka Itoobiya.