Shil gaari oo aad u naxdin badan ayaa sababay geerida Nabadoon Axmed Deeq Cabdirisaaq Kilwe Cawaale Liiban iyo darawalkii gaariga waday, kadib markii uu la rogmaday Gaari ay saarnaayeen.

Sidoo kale, shilkaas waxaa si daran ugu dhaawacmay Ugaaska Guud ee Beelaha Reer Maxamuud, Ugaas Cabdixakiin Ugaas Nuur Faarax (Weehan), kaas oo haatan la dhigay isbitaal si loogu daaweeyo dhaawacyada soo gaaray.

Wafdigan uu shilku haleelay ayaa ka mid ahaa isimadii ka qeyb-galayay caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, Ugaaska Guud ee Beelaha Tanade (Leelkase), kuwaas oo safar uga yimid deegaanno kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay shilka, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xawli uu ku socday Gaariga wadadana ay aheyd mid bhrbursan.

Dowladda hoose, odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka ayaa si weyn uga tacsiyadeeyay geerida Nabadoon Axmed Deeq iyo darawalkii la socday, iyagoo Alle uga baryay naxariis janno, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeeyeen Ugaas Cabdixakiin.

SAWIRADA NABADDOONKA DHINTAY IYO MIDKA DHAAWACMAY.