Pakistan ayaa habeenkii xalay ahaa fulisay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxo hubeysan oo ku sugan dalka deriska la ah, Afghanistan, halkaasoo dowladda Afghanistaan ay sheegtay in carruur iyo dad kale oo badan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

Dowladda Pakistan ma aysan faahfaahin meelaha saxda ah ee duqeymaha lagu qaaday iyo xog kale oo dheeraad ah.

Maanta oo Axad ah, dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in duqeymaha ka dhacay gobollada xuduudaha ay dileen islamarkaana dhaawaceen “dad tiro badan.” Afhayeenka dowladda, Zabihullah Mujahid, ayaa ku qoray X (horey loogu yiqiin Twitter) in habeenkii la duqeeyey shacabka reer Nangarhar iyo Paktika, iyadoo dad badan oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa ku sheegay X in ciidamada ay fuliyeen “howlgallo gaar ah oo ku saleysan xog sirdoon” oo ka dhan ah toddobo xero oo ay leeyihiin Taliban-ka Pakistan, oo loo yaqaan Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), iyo kooxaha la shaqeeya. Waxa uu sidoo kale sheegay in koox xiriir la leh Daacish lagu bartilmaameedsaday gobolka xuduudka.

Bishii Oktoobar, Pakistan waxay sidoo kale sameysay duqeymo gudaha Afghanistan si ay u bartilmaameedsato hoyga kooxaha hubeysan.

Tarar ayaa sheegay in Pakistan “had iyo jeer dadaal ugu jirto ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” isla markaana amniga muwaadiniinta Pakistan uu yahay mudnaanta koowaad.

Arrintaan ayaa timid maalmo ka dib markii weerar ismiidaamin ahaa oo ay geysteen rag hubeysan, loona adeegsaday baabuur qarax lagu soo raray lagu dhuftay darbiga saldhig amni oo ku yaalla degmada Bajaur ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyiga-galbeed, halkaasoo ay ku dhinteen 11 askari iyo hal carruur ah. Mas’uuliyiinta ayaa markii dambe sheegay in shaqsiga weerarka fuliyay uu ahaa muwaadin Afghan ah.

Saacado ka hor duqeymaha Sabtida, ismiidaamiyayaal kale ayaa weerar ku qaaday gaadiid amni oo ku sugan meel u dhow degmada Bannu, halkaasoo ay ku dhinteen laba askari.

Ka dib rabshadaha Sabtida, militariga Pakistan ayaa digniin u diray iyagoona sheegay inay meel kasta ku baxaa doonan raggii ka dambeeyay weerarada taasoo muujineysa xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa Islamabad iyo Kabul.