Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay tallaada uu qaaday gudiga doorashooyinka here federaal oo sheegay in dooraashin lagu qabanayo deegaano uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu cambaareeyay tallaabadaasi iyadoo wasaaraddu ay kasoo horjeesatay in dowlaadda federaalka ay doorashooyin ka qabato degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda iminka raalli galin ka bixisay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto degmada Galdogob ee deegaanada Puntland kadib markii ay Puntland si cad uga hor imaatay in guddiga dooraashinka federaalka uusan wax doorasho ah kaqaban karin deegaanadeeda.

”Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa in jadwalkii hore loo shaaciyey uu ku jiray qalad farsamo oo dhacay intii lagu guda jiray diyaarinta Liistada Degmooyinka. waxaa si khalad ah loogu daray degmada Goldogob oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo doorashada Golaha Deegaanka horey uga dhacday taariikhdu markay ahayd 25-ka May 2023.”

Hoos ka aqriso warsaaxafdeedyada labada dhinac.