Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Shirkaasi ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb galeen habka fogaan-aragga (online).

Shirka wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka bedelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka.Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa si wadajir ah u soo saaray mowqif cad oo ay kaga soo horjeedaan wax ka bedelka ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aan lagu heshiin.

Puntland ayaa si gaar ah u muujisay walaac ay ka qabto tallaabooyinka uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ee la xiriira dib-u-eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee la ansixiyey sanadkii 2012. Puntland waxay ku adkaysatay in isbeddel kasta oo lagu sameynayo dastuurka uu ku yimaado wada-tashi iyo heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Sidoo kale, Puntland ayaa ku dhawaaqday in haddii la gaaro dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, iyadoo aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka, ay si gaar ah u qaban doonto doorashooyin looga hortagayo firaaq dastuuri ah iyo burbur ku yimaada nidaamka federaalka ee dalka. Waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay mid lagu badbaadinayo dawladnimada Federaalka oo waqti iyo dadaal badan lagu bixiyey.

Puntland ayaa sidoo kale tilmaantay in arrintan ay kala shaqeyn doonto golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si looga hortago dib u dhac siyaasadeed oo halis gelin kara midnimada iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ka digtay in faragelinta lagu sameynayo Dastuurka 2012-ka ay dib ugu celin karto Soomaaliya marxalado adag oo hore looga soo gudbay, taas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.