Puntland ayaa si kulul uga hadashay, isla markaana warsaxaafadeed kasoo saartay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay hawada uga celisay diyaaradii siday Xildhibaannada ee ku wajahneyd Garoowe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu Eedeeyay in falkaas uu ka dambeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay Madaxweyne Xasan Sheekh kula xisaabtami doonto tallaabooyinka guracan ee uu qaadayo, kuwaas oo markii labaad halis lagu geliyay nafta muwaadiniin Reer Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay soo faro geliyaan tallaabooyinka qaldan oo ay qaadayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Puntland.