Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ruqsaddii duulimaadyada kala noqotay Shirkadda Diyaaradaha Daallo, kadib markii lagu eedeeyay inay laba jeer khatar gelisay nolosha muwaadiniin iyo masuuliyiin reer Puntland ah, isla markaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada, kuna taariikheysan 1-da Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta ay shirkadda Daallo ka joojinayaan dhammaan duulimaadyadii ay ka fulin jirtay garoomada diyaaradaha ee Puntland.

Wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabadan ay timid kadib falal lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah badbaadada rakaabka iyo masuuliyiinta, taas oo keentay in la qaado go’aan degdeg ah oo lagu ilaalinayo ammaanka hawada iyo badbaadada shacabka.

Sidoo kale, warqadda ayaa lagu faray dhammaan maareeyeyaasha garoomada diyaaradaha ee Puntland inay si buuxda u fuliyaan amarkan, isla markaana aysan ogolaan duulimaadyo ay shirkaddu ka sameyso gudaha Puntland.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Maanta Xildhibaannada Federaalka ku metela Puntland ay Diyaarada Daallo kasoo celisay Garoonka Garoowe kadib ammar kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Screenshot