Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal, ayaa hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysane lagu magacaabo Guuleed Cabdicasiis Axmed.

Eedaysanahan ayaa lagu tuhunsan yahay falal mukhalasnimo ah, tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale tacadiyo jireed oo sababay dhaawacyo culus, kuwaas oo uu la xiriiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalka Liibiya.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, hawlgalkan lagu qabtay eedaysanaha ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada si loola dagaallamo shabakadaha mukhalasiinta iyo cid kasta oo ka ganacsata tahriibinta dadka, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an u geysta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hawlgalladu weli socdaan, isla markaana ay beegsanayaan cid kasta oo gacan siisay eedaysanaha ama ku lug leh falalkan sharci darrada ah.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira baaris rasmi ah, waxaana la horgeyn doonaa hay’adaha cadaaladda marka ay soo gabagabowdo baarista.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ciribtirka mukhalasiinta iyo shabakadaha tahriibinta.