Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarissa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya saacadihii la soo dhaafay, xilli ay ka baxeen xerada ay ku leeyihiin deegaanka Dhaashooy ee hoostaga degmada Faafi.
Sida ay wararku tilmaamayaan, kolonyada ayaa u dhaqaaqday deegaanka Harboole oo isna hoostaga isla degmada Faafi, halkaas oo ay biyo ka doonayeen.
Intii ay howshaasi socotay ayaa la sheegay in qarax lala beegsaday gaari booyad ah oo ay ciidamadu adeegsanayeen.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaariga booyadda, islamarkaana uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya ay ku dhinteen weerarkaasi, halka gaarigii booyadda ahaa la sheegay inuu si buuxda u gubtay.
Mas’uuliyiinta ammaanka Kenya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo dhowr jeer oo hore qaraxyo iyo weerarro kala duwan lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan deegaannada u dhow xadka Soomaaliya.






