Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degaanka Shallaanbood oo hoostaga degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay bar-koontorool oo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degaanka Shallaanbood. Sida ay wararku sheegayaan, ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka uu jiro dhaawac soo gaaray askar kale, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada guud ee dhaawacyada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu si lama filaan ah u dhacay xilli ay ciidamadu ku sugnaayeen bar-koontoroolka, taasoo sababtay khasaare degdeg ah iyo hakad ku yimid isku socodka deegaanka.

Qaraxa kadib, Ciidamada Dowladda ayaa sameeyay howlgallo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo raadinta cidda ka dambeysay falkaasi. Hase yeeshee, lama soo sheegin cid loo soo qabtay qaraxa ilaa iyo hadda.

Maamulka iyo laamaha amniga ee degaanka Shallaanbood ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dhacdadan kala soco boggeenna.