Qiimaha shidaalka ee magaalada Muqdisho ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay, iyadoo kororku gaarayo qiyaastii 77% marka loo eego qiimihii maalmo ka hor laga iibinayay suuqyada caasimadda.

Maalmo ka hor, hal litir oo shidaal ah ayaa lagu iibinayay qiyaastii $0.65, hase yeeshee hadda qiimihiisu wuxuu gaaray $1.1 halkii litir. Kororkan ayaa si weyn u saameeyay gaadiidka iyo shacabka ku tiirsan shidaalka.

Tusaale ahaan, 20 litir oo shidaal ah oo horey loogu iibin jiray $13, ayaa maanta gaaray $22, taasoo muujineysa koror degdeg ah oo culays dhaqaale ku keenaya dad badan.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegaya in sare u kaca qiimaha uu la xiriiro xiisadaha iyo dagaallada ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan colaadda u dhaxeysa Iran, Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo saameyn ku yeelatay sahayda iyo qiimaha shidaalka caalamka.

Khabiirada dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii xaaladda caalamiga ah ay sii xumaato, ay suuragal tahay in qiimaha shidaalka uu weli sii kordho, taasoo si toos ah u saameyn karta qiimaha gaadiidka, raashinka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay in kororka shidaalka uu ku qasbi karo inay kordhiyaan qiimaha kirada, haddii aan xal degdeg ah laga helin.

Kororka degdegga ah ee shidaalka ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo Muqdisho, iyadoo shacabka iyo ganacsataduba ay ka cabsi qabaan in sicir barar kale uu ka dhasho haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto.