Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaalad macaluul ah ay ku dhufan karto Soomaaliya, kaddib markii abaarta sii daba dheeraatay ay saameysay in ka badan 4 milyan oo qof oo ku kala nool gobollo kala duwan oo dalka ah.

Warbixin ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo ay sii kordhayaan baahiyaha dhinacyada cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka. Qoysas badan ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan deegaanadoodii, halka carruurta iyo haweenka ay yihiin kuwa ugu nugul dhibaatada.

Dhanka kale, Hay’adda World Food Programme (WFP) ayaa sheegtay inaysan haynin dhaqaale ku filan oo ay ku taageerto dadka ay abaartu saameysay. WFP ayaa tilmaantay in hakad uu ku yimid gargaaradii ay hore u bixin jirtay, kaddib markii Dowladda Mareykanka ay joojisay qeyb ka mid ah taageeradii maaliyadeed ee ay siin jirtay.

Mas’uuliyiinta WFP ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan mustaqbalka malaayiinta qof ee hadda ku tiirsan gargaarka bani’aadamnimo, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah uga jawaabto baahiyaha sii kordhaya.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la kordhiyo gurmadka bani’aadamnimo si looga hortago in xaaladdu isu beddesho macaluul baahsan. Waxay sidoo kale ku boorrisay deeq-bixiyeyaasha iyo dowladaha daneeya arrimaha bani’aadamnimo inay dib u eegaan taageeradooda si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.

Khabiirada arrimaha gargaarka ayaa sheegaya in haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale iyo taageero, ay suuragal tahay in xaaladdu gaarto heer aad u halis ah bilaha soo socda.