Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit, ayaa magacaabay nin geeriyooday shan sano ka hor ka mid noqoshada Guddiga Doorashada Qaranka, arrin si weyn u dhalisay hadal-hayn iyo dhaleeceyn gudaha iyo dibaddaba.

Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mr. Steward Sorobo Budia, oo dhintay sannadkii 2020, loo xilsaaray ka mid noqoshada guddiga qaabilsan diyaarinta iyo hirgelinta qorshaha doorashooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii wareegtada la baahiyay, warbaahinta iyo shacabka ayaa durba ogaaday in Mr. Budia aanu noolayn, taasoo keentay su’aalo ku saabsan sida loo diyaariyay liiska magacaabista.

Madaxtooyada Suudaanta Koonfureed ayaa markii dambe soo saartay cudur-daar rasmi ah, iyada oo sheegtay in qalad farsamo iyo xog hore oo aan la cusboonaysiin ay keentay in magaciisa lagu daro wareegtada.

Dhacdadan ayaa si weyn loogu dhaliilay maamulka Madaxweyne Salva Kiir, iyadoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ku tilmaameen mid muujinaysa hab-maamul liita iyo nidaam xogeed oo daciif ah, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyin la sugayo muddo dheer.

Doorashooyinka Suudaanta Koonfureed ayaa horey marar badan dib ugu dhacay, waxaana dhacdadan cusub ay sii kordhisay shakiga laga qabo hufnaanta iyo diyaar-garowga hay’adaha qaabilsan geeddi-socodka doorashada.