Diyaarado siday ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ilaalada Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana ku xigi doona labada Madaxweyne.

Ciidamadan oo ah kuwo aad u hubeysan, ayaa loo xil saaray sugidda amniga Madaxweynayaasha labada maamul, kuwaas oo ka qeyb galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo golaha mustaqbalka dalka, kaas oo maalmaha soo socda ka furmi doona Muqdisho.

Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa garoonka kusoo dhaweeyay wafdigan, waxaana la arkayay ciidamo ka tirsan laamaha amniga oo si weyn u adkeeyay ammaanka agagaarka garoonka iyo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Wararka ay helayaan warbaahinta ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay hore u diidday in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay Muqdisho ku yimaadaan iyaga oo wata ciidamo hubeysan, sababo la xiriira arrimo amni iyo nidaamka dawladnimo.

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in dowladda ay ugu dambeyn oggolaatay arrintaas kaddib cadaadis iyo waan-waan ay sameeyeen wakiillo ka socday beesha caalamka, kuwaas oo ku dooday in loo baahanyahay jawi kalsooni leh si shirka u qabsoomo.

Shir xasaasi ah oo la filayo
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madaxda ugu sareysa dalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul-goboleedyada, ayaa la filayaa in looga hadlo qodobo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, khilaafaadka jira, iyo arrimaha doorashooyinka.