Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ayaa sheegaya in maanta carro tuur la dhigay qaybo ka mid ah jidka Warshadaha, gaar ahaan inta u dhexeysa Aargada Dayniile iyo dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tallaabadan ay si weyn u saameysay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee aaggaas, iyadoo jidka Warshadaha uu ka mid yahay waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafado badan oo ku yaalla galbeedka Muqdisho.

Sidoo kale, maalmo ka hor ayaa la sheegay in dhagxaan lagu xiray aargada ku taalla dhinaca ex Koontorool Afgooye, taasoo keentay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala marinkaasi.

Ilo wareedyo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in ujeeddada tallaabooyinkan ay tahay in ciidamo la dul geeyo shacabka ku dhaqan Dayniile, si cadaadis loogu saaro ama looga barakiciyo dhulka ay degan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo arrintan ka hadlaya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyey walaac ku aaddan in tallaabooyinkan ay horseedi karaan xiisad iyo qalalaase amni, iyagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta inay si cad uga hadlaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xiritaanka iyo carro daadin lagu sameeyey waddooyinka.