Kulankaan ayaa ahaa xog iswareysi iyo xaaladaha ku gadaaman qabsoomidda shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo u xayiran goobta lagu shiri lahaa.

Xubnaha golaha Mustaqbalka ayaa u sheegay xubnaha Bulshada Rayidka iyo dhaqanka inay diyaar u yihiin shirka laakiin ay kasii niyad jebayaan maadaama ku dhawaad laba usbuuc uu u xayiranyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Bulshada Rayidka iyo dhaqanka ayaa kula taliyey golaha mustaqbalka inay sabraan tanaasulna muujiyaan si uu u guuleysto shirkaan, ayagoo madaxda Puntland iyo Jubaland ka codsaday inay joogaan oo aysan bixin ilaa shirkaan ka qabsoomayo.