Waxaa sii xoogeystay khilaaf u dhaxeeya maamulka iyo laamaha amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli xiisad amni laga dareemayo gudaha iyo duleedka degmada.

Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, kuwaas oo si gaar ah loo dhigay daafaha magaalada. Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo wata hub culus, isla markaana sameystay difaacyo ka baxsan xarunta magaalada, si ay uga hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinacyo kale.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, iyadoo wararku tilmaamayaan in laga cabsi qabo in ay soo weeraraan ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in xiisadda salka ku hayso arrimo siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan maamulka degmada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee keentay khilaafka.

Illaa iyo hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ku aaddan isbedelka iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda degmada Buurhakaba.

Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, iyadoo shacabka ku dhaqan Buurhakaba ay walaac ka muujinayaan suuragalnimada isku dhacyo sababi kara khasaaro naf iyo maalba leh.