Horjooge ka ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaddib howlgal qorsheysan oo maalmihii u dambeeyey ka socday aagga deeganka deynuuney.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Maxamed ayaa muddo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana qeyb qaadanayey falal lidi ku ah amniga iyo xasilloonida shacabka.

Isa soo dhiibistiisa ayaa timid iyadoo ciidamada ay kordhiyeen baacsiga iyo burburinta fariisimaha ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab ee degaannada Koonfur Galbeed.

Howlkalka ayaa waxaa fuliyey Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah, waxaana horkacaayey Taliyaha Ururka, Ayuub Cabdi Ibraahim, kaas oo xaqiijiyey in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.