Maamulka Waqooyi Bari ayaa meelo kamid ah Gobolka Sanaag ku soo bandhigay ciidamo farabadan oo millateri ah, kuwaas oo la sheegay in dhowaan loo soo geba-gabeyn doono tababarkooda.
Ciidamadan oo muddo tababar ku jiray ayaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah, iyadoo saraakiil ka tirsan maamulka ay kormeereen ciidanka cusub. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasiloonida deegaannada gobolka.
Sidoo kale waxaa la tilmaamay in ciidamadan loo qorsheeyay inay ka howlgalaan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, halkaas oo marar badan ay ka jiraan xiisado la xiriira muranka u dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari iyo Somaliland.
Gobolka Sanaag ayaa kamid ah gobollada ay isku hayaan Maamulka Waqooyi Bari iyo Somaliland, waxaana marar kala duwan halkaasi ka dhacay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul la xiriira amniga.
Ilo ka tirsan maamulka ayaa sheegay in marka tababarka la soo gabagabeeyo ciidamadan si rasmi ah loogu wareejin doono howlaha sugidda amniga ee deegaannada lagu muransan yahay, si loo xoojiyo ammaanka iyo maamulka goobahaas.







