Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Jubaland ku qaabilay xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Jubaland.
Xildhibaannadan oo gaaray magaalada Kismaayo ayaa halkaas u yimid shir wadatashi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha taagan, iyagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda dowlad goboleedka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo isfahamka u dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubaland iyo wakiillada ku metela heer federaal, si loo dardargeliyo horumarka, amniga, iyo midnimada siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-tashiyada noocan ah si loo helo go’aanno mideysan oo dan u ah shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.







