Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Warsaxaafadeed Madaxtooyada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu qayb ka yahay booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka Banaadir24.com uu helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii gudbi doono dalka Masar, isaga oo kulan la qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Cabdilfatax Al-siisii iyo mas’uuliyiin kale.