Shir ay Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Mucaaradka la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa hadda ka socda gudaha magaalada Muqdisho.

Shirkan oo loogu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa waxaa ka qeybgalaya siyaasiyiin, waxgarad iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Intii uu socday kulanka, waxaa khudbado kala duwan jeediyay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si kulul u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mas’uuliyiinta Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wax ka bedelay Dastuurkii ku meelgaarka ahaa ee heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu ka leexday wadatashigii siyaasadeed ee lagu dhisi lahaa hannaan dowladeed oo loo dhan yahay.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo iyo talooyin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka ay Golaha Mustaqbalka ka qaadanayaan arrimaha Dastuurka iyo doorashooyinka dalka.