Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa farriin culus oo si toos ah u taabaneysa hoggaanka siyaasadda dalka u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha ka qeyb galaya shirka Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku baaqay in si dhab ah loo maqlo codka shacabka iyo kan aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay in siyaasiyiinta dalka intooda badan laga quustay, isla markaana aysan si dhab ah u metelin rabitaanka shacabka. Wuxuu ugu baaqay madaxda in ay shirka u furaan dad shacabka ka mid ah oo si daacad ah u hadli kara.
“Siyaasiyiinta shiri doona runtiina waa laga quustay ee dad shacabka ka mid ah oo runta idiin sheega shirka u ogolaada,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Hadalkan ayaa muujinaya niyad-jab ballaaran oo ka jira qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo aaminsan in shirarka siyaasadeed ee soo noqnoqda aysan keenin xal dhab ah, isla markaana ay ka leexdeen danta guud iyo baahiyaha dhabta ah ee shacabka.
Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay hoggaan daacad ah, isla xisaabtan, iyo wada-tashi ballaaran oo ay qeyb ka yihiin culimada, aqoonyahanka, haweenka, iyo dhalinyarada.
Ugu dambeyn, wuxuu ku booriyay Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay ka faa’iideystaan talooyinka shacabka, si loo helo hoggaan mideysan oo dalka u horseeda xasillooni, caddaalad, iyo horumar waara.






