Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa booqasho ugu tegay xildhibaanadii laga hor istaagay inay u safraan magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka jeediyeen hadallo ay ku dhaliileen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif oo hadalka furay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay inuu dalka hoggaamiyo, balse aan loo igman in uu jebiyo sharciga iyo dastuurka dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta sharciga iyo nidaamka federaalka ay tahay waajib saaran madaxda sare ee dowladda, isaga oo tilmaamay in tallaabooyinka lagu joojiyay xildhibaanada ay abuuri karaan xiisad siyaasadeed oo hor leh.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dastuur lagu maquuniyo siyaasiyiin ama lagu meel mariyo cadaadis uusan noqon karin mid dalka u shaqeeya. Wuxuu ku tilmaamay waxa uu ugu yeeray “Dastuur juujuub ah” mid aan kalsooni ka dhex abuuri karin shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in uu beegsanayo qabiil gaar ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Labadan siyaasi ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka, la dhowro xuquuqda xildhibaanada, isla markaana lagu xalliyo khilaafaadka jira wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.